Qaraxyo badan ka dib Dawlada Kenya oo Soomaalida dalkeeda ku nool ku amartay in ay galaan xeryaha Qaxootiga
Nairobi Dec 18,2012(SDN)-Dawlada dalka Kenya ayaa ka dalbatay Soomaalida buux dhaafisay magaalooyinka dalkaas in ay iska xaadiriyaan xeryaha qaxootiga loogu talo galay.
Amarkan ayaa yimi ka dib kolkii ay dalkaasi ka dheceen tiro qaraxyo ah oo ay sheegatay kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada Kenya ee faro gelinta ku ameyay Soomaaliya.
Dawlada Kenya ayaa fartay hay’adaha qaxootiga ee ka hawgala magaalooyinka in ay joojiyaan gebi ahaanba adeegyada ay ka fuliyaan magaalooyinka Soomaalidana ay geeyaan xeryaha Qaxootiga ee dalkaas ku yaal.
“Waxaanu joojineynaa in Qaxootiga Soomaalidu ay ku noolaadaan magaalooyinka waaweyn oo waa in ay tagaan xeryaha,cidii aan tegina waxaanu ku celin doonaa Soomaaliya”sidaa waxa yiri madaxa arrimaha Qaxootiga Kenya u qaabilsan wasaarada Socdaalka MrSora Katelo.
Soomaalida ayaa la doonayaa in ay tagaan xeryaha Qaxootiga ee Dhadhaab oo ah kuwa dunida ugu balaaran.
Xeryahan ayaan laheyn adeegyada aasaasiga ah ee uu ruuxa biniaadamka ahi u baahan yahay si uu ugu noolaado nolol qiime leh.
Hay’adaha Qaxootiga ee caalemiga ah ayaa sheegay in goaankan ay dawlada Kenya shaacisay in uu lidi ku yahay shuruucda caalemiga ah ee haga umuuraha Qaxootiga.
Shuruucda Kenya ayaa dhigayse in qaxootigu ay ku koobnaadaan xeryaha,halka kumanaan Soomaali ahi ay buux dhaafiyeen magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com