Qaraxyadii Jabuuti ka dhacay oo xogo dheeraad ah laga helayo
Jabuti May 25,2014(SDN/QJ)-Waxa maqaaxi ku taal bartaha caasimada dalka Jamhuuriyada Jabuuti lala beegsaday weerar qaraxyo ahaa ilaa Afar ruux ay ku geeriyoodeen dhawr iyo tobana ay ku dhaawacmeen.
Qaraxa ayaa waxa faahfaahin ka bixiyay Taliyaha ciidamada Booliska Jabuuti Col Cumar Xasan oo sheegay in baaritaano ay socdaan.
“Waa arin denbiilenimo ah oo dad ku dhinteen qarna ku dhaawacmeen “ayuu yiri taliyuhu mar uu saxaadafa u waramayay.
“Weerarku waxa uu ahaa mid loo adeegsaday walxaha qarxa ee gacanta laga tuuro oo laba ahaa”ayuu taliye Cumar Xasan yiri mar kale.
Dalka Jabuuti ayaa martigeliya xerda ciidan ee keli ah ee Mareykanku ku leeyahay qaarada Africa,waana goobta dalalka caalamku kala dagaalamaan burcad badeeda.
Inkasta oo qaraxaasi u ekaa kuwii looga bartay kooxda Al Shabaab ee bartilmaansata dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ayaaney hadan jirin cid sheegatay weerarkan weli.
SDN/QJ-Jabuuti.
contact@qurbejoog.com