Qaraxayo Waaweyn oo Gilgilay Caasimadda Somalia ee Muqdisho
03,Apr.2014(SDN/QJ)- wararka hor dhaca ah ee ka imanaya Casimadda ay Dagaaladda iyo Qaraxyadu la dageen ee Muqdisho,ayaa in Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatey qarax xoog badan oo ka dhacay meel ku dhaw KM4 magaalada Muqdisho.
Dadka dhintey ayaa isugu jirey askar iyo kuwo rayid ah. Askarta ku dhimatey ayaa la sheegayaa in ay gaarayaan shan waxaana ay waardiye ka hayeen masuul hore uga tirsanaan jirey maamulka Gobolka Banaadir.
Wararka ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa saraakiil ka tirsan Dowladda oo halkaas maraayey xiligaas, waxaana halka uu ka dhacay ay ahayd goob aad mashquul u ah, waxana ku dhawaa Xarun lagu iibiyo Gaaska.
Dad ku dhaw goobta qaraxu ka dhacay ayaa Warbaahinta u sheegey in xoghayihii hore ee Gobolka Banaadir Cabdikaafi Hilowle uu qaraxan ku dhintey, inkasta oo Dowladdu aysan si rasmi ah u sheegin weli.
Wixii warar kazoo Kordhana waxaad kala socon doontaa Qurbejoog.com
SDN/QJ-Muqdisho