Qarax Xooggan Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Oo Lagu Laayey Saraakiil Ciidan ah iyo Shacab
Muqdisho:27-Dec-2013(SDN)-Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya Magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qarax xoogani uu ka dhacay Degmada Dayniile eek a Tirsan Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa la sheegayaa inuu ka dhacay Maqaaxi ku dhaw xeto ciidanku halkaas ku leeyahay, iyadoo la xusay inay ku dhinteen Tiro dad ah oo ay ku jiraan Saraakiil ka tirsan ciidanka Dawladda Federalka Somalia.
Dadka Qaraxa ku dhintay oo iskugu jira Ciidan iyo dad shacab ah ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 14-qof, waxana la tilmaamay in tiro kale oo badani ay dhaawacantay, iyadoo wali aanay jirin cid sheegatay.
Qarax ka dib ayaa la sheegey in Ciidamada Dowladda ay fureyn rasaas aad u xoog badan iyadoo gurmad xoog leh oo ciidamada dowladda ahna uu soo gaarey meesha uu qaraxa ka dhacay.
Qaraxa ayaa la sheegey inuu ahaa miinada nooca meelaha dhaadheer laga hago oo dhulka ku aasnaa xiligaasna ay meesha ku suganaayeen ciidamada Qarax lala beegsadey.
S.D.N