Qarax qasaaro geystay oo xalay ka dhacay Xirada qaxootiga ee Dhagaxley gobolka Waqooyi Bari Kenya
Gaarissa Jan 05 2013 (SDN)— Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaare geestay oo xalay ka dhacay xerada Dhagaxleey ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya kadib markii goob lagu caweeyo bam gacmeed lagu weeraray.
Mid kamid ah dadka Soomaalida ee ku nool xerada Dhagaxleey ee Gobalka Waqooyi Bari ayaa u sheegay Qurbejoog.com in dadka dhintay ay gaarayaan 5-ruux halka sidoo kale dhaawaca uu intaasi ka badan yahay.
Wuxuu sheegay in qaraxa uu ahaa bambada gacanta laga tuuro laguna weeraray goob maqaaxi ah oo dadka ay ku caweyn jireen xerada Dhagaxleey ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya.
Ciidamada Booliiska Kenya ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay soo gaaray kuwaasi oo durba halkaasi ka bilaabay baaritaano iyaga oo xir-xiray dhalinyaro meesha ka agdhaweyd.
Lama garanayo sababta ka dambeysay qaraxa iyo cida sida gaarka ah loogu danlahaa in lagu waxyeeleeyo qaraxaasi xalay ka dhacay xerada Dhagaxleey ee Gobalka Waqooyi Bari Kenya.
Ma’ahan markii ugu horeysay oo qarax caynkaan oo kale ah uu ka dhaco xeryaha Qaxootiga ee dalka Kenya.
SDN-Garissa