Qarax qasaaro geystay oo ciidamada Ethiopia lagula beegsaday Magaalada Baladweyne
Baladweyne May 22 2013 (SDN)— Wararka ka imaanaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi saakay qarax lagula eegtay Ciidamo Ethiopian oo marayay xaafad ka tirsan Baladweyne.
Dad goobjoogayaal ah ayaa ku waramaya in qaraxu uu ka dhacay xaafada Irid Aamin ee Magaalada Baladweyne halkaasi oo ciimo Ethiopian ah oo marayay qarax lagu la eegtay.
Ciidamad qarax lala eegtay ayaa rasaas furay inkastoo aan la soo warin wax qasaaro ah oo ay geysteen Rasaasta ciidamad Ethiopain-ka ah ay fureen qaraxa kaddib.
Lama hubo qasaaraha rasmiga ah ee soo gaaray Ciidamada Ethiopia ee qaraxa lala eegtay madaama ay xirteen goobta qaraxu uu ka dhacay.
Magaalada Baladweyne ayaa maalmihii danbe waxaa laga sameynayay howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka Magaaladaasi.
SDN-Baladweyne