|

Qarax Miino oo ka dhacay Dayniile oo ay ku Qudhbaxeen Todoba Ruux

Dayniile 27.Dec 2013 (SDN)- Toddobo qof ayaa ku dhimatay qarax miino oo maanta barqadii ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qarax-1-300x168Dadka dhintay shan ka tirsan waxay ahaayeen askar ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ka tirsanaa, halka labada kalena ay ahaayeen dumar ka ag dhowaa halka uu qaraxu ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Dayniile Xiireey Muxyaddiin Cumar  ayaa tilmaamay in qaraxa lagu sii diyaariyay waddo ay ku sugnaayeen ciidanka.

Ma uusan sheegin inay jiraan dad ku dhaawacmay weerarka, Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Dayniile SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed