Qarax maanta ka dhacay Gudaha Jaamacadd Ku taala Magaaladda Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay
Muqdisho May 01,2014(SDN/QJ)-Qarax gaadhi lagu soo xiray ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay Gudaha Jaamacada Horseed ee ku taala Xaafada Buulo Xuubey ee Magaalada Muqdisho.
Goob joogayaal ayaa ku waramay in qaraxu uu ka dhashay gaari uu lahaa mid kamid ah Macalimiinta Jaamacaadsi oo lagu soo xiray Waxyaabaha qarxa , Macalinkan gaarigiisa qaraxa loogu soo xiray ayaa la tilmaamay in uu u shaqeeyo Dowlada Soomaaliya.
Inta la xaqiijiyay Mid kamid ah Ardayda Jaamacada Horseed ayaa dhaawac kasoo gaaray qaraxa lagu soo xiray gaari kaarib ah uu lahaa Macalin Jaamacadaasi katirsan , Xaalada Jaamacada ayaana noqotay mid lagu kala carararo oo khal khal badan ka dhashay.
Xaalada Jaamacdaa Horseed ee uu qarax ka dhacay ayaa wararka aanu haatan ka helaynaa sheegayaan inay tahay mid degan , waxaana halkaasi gaadhay Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo halkaasi ka sameeyay baaritaano aan wali wax natiijo ah kasoo bixin.
Magaalada Muqdisho waxaa mudooyinkii dambe kusoo kordhay qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro Masuuliyiinta Dowlada iyo dad si gaar ah loo bartilmaameedasanayo, waxaana qaraxii ugu dambeeyay oo gaari lagu soo xiray Isbuucii hore ku dhintay Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
SDN/QJ-Muqdisho