|

Qarax maalintii labaad ka dhacay Muqdisho

Muqdisho July 13,2013(SDN)-Waxa maanta Qarax uu ka dhacay markii labaad magaalada Muqdisho iyo oo qasaarihii qarixii shalay uu weli dadka maankooda ka sii guuxayo.

Nin ku hubeysan walxaha qarxa ee gacanta laga tuuro ayaa ku weerar ciidamada dawlada  oo ku sugan Suuqa Bakaaraha.

Weerarka oo geystay khasaare mood iyo noolba leh ayaan ilaa haatan la sugin inta uu le’eg yahay.

Waxaase ay goobjoogeyaal xiligaa suuqa ku sugnaa ay saxaafada u sheegeen in qaraxyadu ay waxyeelo weyn u geysteen qaar ka mid ah dadkii suuqa ka adeeganayay.

Weli cidi ma aaney sheegan weerarkani maanta ka dhacay suuqa bakaaraha.

Sidoo kale dawlada Soomaaliya ayaan ilaa iyo haatan wax war ah ka soo saarin weerarkan Bakaaraha ee Maanta.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed