Qarax lala beegsaday goob loo qoondeeyay Dib u heshiisiinta Afganistan
Kabul Nov 17,2013(SDN)-Ruux is-miidaamiyay ayaa qarax la beegsaday goob loo diyaariyay in todobaad ka dib ay ka bilaabanto wadahadal ay yeeshaan Dawladaha Mareykanka iyo Afgaanistaan si xal looga gaaro xaaladaha amanaaka.
Saraakiisha amniga ee Kabul ayaa sheegay in ku dhawaad 22 ruux ay ku dhawaacantay qaraxan oo ahaa mid aad u weynaa.
Qaraxa ayaa yimi saacado ka dib mar uu madaxweynaha dalka Afgaanistaan Xamid Karzi ku dhawaaqay in dawladaha Afgaanistaan iyo Mareykanku isla qaateen heshiis amni oo loo baahan yahay in ay odey dhaqameedka dalkaasi ee Loya Jirga in ay ansixiyaan.
Qaraxa ayaan ilaa iyo haatan aaney cidi sheegan balse waxaad moodaa in sidii caadada aheyd in eeda qaraxan dusha loo saari doono kooxda Talibaanka.
SDN-Kabul
contact@somalidiasporanews.com