|

Qarax lala beegsaday ciidamada Booliska Muqdisho

Muqdisho March 05, 2024 (QJ) -Qarax miino oo wadada dhinaceeda lagu aasay ayaa maanta ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir. Qaraxa ayaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada booliska.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhacay xaafadda Shaaciye ee degmada Heliwaa, iyadoo goob joogayaal ay sheegeen in xilliga qaraxa uu dhacayay gaari ay wateen ciidamada dowladda uu aaga marayay.

Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay afar ruux oo saddex ka mid ah ay ahaayeen dad rayid ah oo ku sugnaa agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay, halka ruuxa kale ee dhaawacmay uu ka mid ahaa askartii gaariga la beegsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa si deg deg ah u gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay, iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano, balse ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qab qabtay falkaasi.

Qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso wadada dhinaceeda ee lala eegto ciidamada dowlada ayaa kusoo badanaya xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, iyadoo weeraradan ay inta badan ka dhashaan qasaaro soo gaara dadka rayidka ah.

Comments are closed