Qarax lal beegsaday xarun ciidan oo Qoryooley ku taal
Qoryooley March 20, 2024 (QJ) -Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xooggan oo ka dhacay gudaha xero ciidan oo ku taalla degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada ATMIS-ta.
Qaraxa oo ka dhashay Miino dhulka lagu aasay ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana dadka dhintay ka mid ah Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Qoryooleey Cali Waal iyo Taliyihii hore ee Nabadsugida Degmada C/kariin Cadow, halka Taliye Qeybeedkaasi lagu magacaabi jiray Sandheere uu ku dhintay.
Faah faahin gaar ah lagama hayo inta uu la’egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxaasi ciidamada ATMIS-ka, inkastoo jugta qaraxa laga maqlay xaafadaha degmada.
Shacabka magaalada ayaa hadlaya dhacdadan, iyagoo su’aalo badan iska weydiinaya sida uu qaraxa uga dhacay xayndaabka saldhigga oo la doonayo in si weyn loo ilaaliyo si looga hortago falalka noocaan oo kale ah.