Qarax Lagu Laayey Haween Tiro Badan oo Nadaafad Ku Hawllanaa Magaalada Muqdisho
Muqdisho:Aug,03,2014(SDN/QJ)-Qarax Xooggan ayaa Goor dhaweyd ka Dhacay Nawaaxiga Carwada ee Degmada Hodan, ayaa waxa uu keenay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo soo gaadhay Haween nadaafad ku hawllanaa.
Qaraxan oo Xoogiisa laga maqlay Xaafadaha kala duwan ee Degmada Hodan ayaa ka dhashay kadib markii Haweenka Nadaafada Gobolka qaarkood ay isku dayaan in ay qaadaan Bac-Madoow lagu soo riday Miino taa oo ay maleenayeen in ay ku jirtay Qashin.
Markii ay qaadeen Bacda kadib ayaa waxaa la maqlay Qarax Xoogan waxaan sidoo kale Wariyeyaal ku sugan Goobta oo la hadlay warbaahintu ay sheegeen in Qaraxaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 10 Ruux oo ka mid ahaa Haweenkaasi.
Sikastaba ha ahaatee, Ciidamo iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaadhay ayaa xidhay Nawaaxiga uu Qaraxa ka dhacay waxaana ay bilaabeen howlgallo baadhitaano ah iyadoona halkaasi ay gaadheen Gadiidka Ambalaasta oo durbaba bilaabay daabulida dhaawaca ka dhashay Qaraxaasi.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com