Qarax Khasaare Geystay oo Ka Dhacay Xaafadda Easleigh Iyo Cabsi Soo Wajahday Soomaalida Kenya
Nairobi:05-Jan-2014(SDN)- Waxa xalay Magaalada Nairobi gaar ahaan xaafadda Somalidu Degto ee Eastleigh Ka Dhacay Qarax khasaare geystay.
Qaraxan oo dhacay xilli hore oo fiid ah ayaa la sheegay in walxaha qarxa ee dhaliyey lagaga cararay meel dukaan ah, waxana la tilmaamay inuu ku dhaawacmay qof rayid ah oo halkaasi ka ag dhawaa.
Sida uu warbaahinta u sheegay madaxa booliska Nairobi, Benson Kibue, nin dhalashadiisa ay Soomaali tahay oo looga shakisan yahay inuu xidhiidh la leeyahay kooxaha argagaxisada, ayaa galay dukaanka, kaddibna walxo qarxa ayuu halkaas uga tagay oo inyar ka dib qarxay.
Dukaanka ayaa ku yaalla waddada 8-daad ee xaafadda Eastleigh, waxana jira naxdin iyo baqdin farobadan oo la soo deristay somalida halkaas deggen.
Macmiil kale oo galay dukaanka dhowr daqiiqo kaddib ayay ku qaraxda bambada, waxana soo gaadhay waxoogaa dhaawac ah, iyadoo haatan lagu dabiibayo Cisbitaalka.
Booliska ayaa dadka somalida ah u soo jeediyey inay ka qayb qaataan sidii loo soo qaban lahaa dadka qaraxyada geysanaya ee dhexdooda ku gabbanaya, waxana la filayaa inay ciidanku dhawaan Hawlgallo ka fuliyaan xaafadda Somalida.
Sikastaba, booliska oo gaadhay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa billaabay howlgal ay ku qab-qabteen tobonnaan Soomaali oo ka ag dhowaa halka uu qaraxa ka dhacay.
S.D.N