Qarax Khasaare Geystay Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Kismaayo
Kismayo:Oct,25,2014(SDN/QJ)-Qarax khasaare Nafeed geystay, ayaa xalay fiidkii hore ka dhacay Badhtamaha Magaalada Kismayo, waxana la xaqiijiyey dhimashada Afar ka tirsanaa ciidanka Jubba land.
Askarta dhimatay, ayaa waxa ku jiray sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada, waxana qaraxa lala eegtay Gaadhi ay saarnaayeen xilligaas.
Sargaalka Geeriyooday Ayaa Magaciisa Waxaa Lagu Soo Koobay “Diini Jarer”Waxaana uu Ka Tirsanaa Sarakiisha Dhinaca Dagaalada Gobolka Gedo u Qaabilsan Maamulkasi.
Ciidanka Maamulka Jubba Ayaa Baadhitaan Goobta Kasameeyay iyagoo Baadi Goobaya Kooxihii Kadan Beyay Qaraxa Miino Ee Sargaalka iyo Askarta Lagu Dilay,Goobjoogayal Ayaa Soo Sheegaya in Ciidamda Ay Qab Qabteen Ku Dhawaad 3 Ruux oo Dhalin Yara Ah .
Xaalada Xaafada Fiya Afmadow Ayaa Aad u Kacsan iyadoona Lamaqlayo Dhawaqa Rasaasta, isku Socodaka Dadka iyo Ganacsiga Xaafadasi ayaa aad u xaddidan.
SDN/QJ