Qarax ka Dhacay Makhaayad Ciidamada Dawladu Shaaha ka cabaan
Walaweyn June 15,2013(SDN)-Magaalada Walaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa maanta qarax lala beegsaday makhaaxi Shaaha laga cabo oo ay ciidamaa dawladuna fadhiistaan.
Qaraxa oo aan ilaa iyo haatan cidi sheegan ayaa waxa ku geeriyoodey Todobo ruux oo isugu jira shicib iyo ciidamo ka tirsan Dawlada.
Sidoo kale qaruxu waxa uu bartii ku dilay haweeney iyadu halkaa shaaha dhigdhigeysay,waxaanu dhaawac halais ah gaarsiiyay ilaa 12 ruux oo kale.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelada Hoose Maxamed Nuur Siidi ayaa saxaafada u sheegay in haatan socoto Baaritan lagu sameynayo bartii qaruxu ka dhacay.
Beryahan danbe waxa jira walaac ku saabsan in ay lumaan guulihii laga gaaray ladagaalankii Shabaabka ee laga saaray inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka.
SDN-Walaweyn
contact@somalidiasporanews.com