|

Qarax ka dhacay Magaalada Jowhar iyo xaalada Magaaladaasi oo kacsan

Jowhar De, 09, 2012 (SDN)—Dad ku sugan Degmada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa qaraxyo xoogan oo marqura laga maqlay Magaalada Jowhar.

Qaraxyada oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa ay ka kala dhaceen labo xaafad oo kamid ah Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe

Qaraxa koowaad ayaa wuxuu ka dhacay Xaafada Horseed ee Magaaladaasi kaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay waxaana la sheegay inuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso.

Shacabka Degmada Jowhar ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsanaya qaraxayda caynkaas ah oo saameyn ku yeesha.

Qaraxa labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar kaasi oo isna aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Qaraxa ka dhacay Xaafada Hantiwadaag ayaa la sheegay inuu ka dhacay Saldhiga Degmada Jowhar kaasi oo aan isna la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidanka Saldhiga ku sugan.

Saacado kooban ayeey Magaalada Jowhar ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana durba laga maqlayaa Magaalada dhawaqa rasaas xoogan iyo qaraxyo.

SDN-Jowhar

Comments are closed