Qarax Gaadhi Loo Adeegsaday Oo Xalay Degmada Xamarweyne Laga Fuliyey iyo Wadihii Oo Boolisku Gacanta ku Dhigeen
Muqdisho:Oct,11,2014(SDN/QJ)-Qarax loo adeegsaday Gaadhi kamid ah Kuwa Raaxada, ayaa xalay Fiidkii hore lagu qarxiyey Gudaha Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir.
Qaraxa gaadhigan ayaa wuxuu ka dhacay halka loo yaqaaan Shaneemo Super ama kasoo horjeedka Masaajidka Marwaas ee Degmada Xamarweyne sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/qaadir.
Guddoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in gaadhigan uu ku qarxay meel banaan ah oo dad aysan ka agdhaweyn, isaga oo intaasi ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo uu geystay,marka laga reebo bur-burka gaadhiga soo gaadhay.
Ciidamada Booliiska Degmada Xamarweyne ayaa gacanta ku dhigay wadihii gaadhiga qarxay, oo la sheegay inuu ku sugnaa meel aan sidaasi oga fogeyn goobta qaraxa uu ka dhacay, iyadoo Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne uu sheegay in la garanaayo wadaha gaadhiga.
Ciidamada Booliiska Degmada iyo ciidanka Nabadsugida ayaa goobta gaadhay, waxana ay bilaabeen Baadhitaano la xidhiidha in gaadhiga qaraxa lagu xidhay iyo inuu meesha sii yaallay.
Degmada Xamarweyne ee Gobolka Banaadir dhowr mar waxaa ka dhacay qaraxyo lagu xidhay gaadiid oo lagu dilay masuuliyiin Dowladda ka tirsan, halka qaarkoodna ay ka bad-baadeen.
Waayahaan dambe ammaanka caasimada dalka ee Muqdisho ayaa aheyd mid aad uwanaagsan, kadib ciidamada ammaanka oo ku dadaalay xaqiijinta ammaanka.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com