Qarax dad ku dhinteen oo ka dhacay Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab
Dhadhaab Jan 06,2013(SDN)-Qarax ka dhacay xerada qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxa ku dhintay ilaa laba ruux halka ay ilaa todoba kalena dhaawac yihiin,sida ay ku soo waramayaan goobjoogeyaal.
Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaaxiya oo dad badani ay kolkaa ku sugnaayeen mana cada cida ka danbeysay.
Taliyaha ciidamada aaga oo Saxaafada u waramay ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawacaba.
“Laba ruux ayaa dhintay qaar kalena waa dhaawac”sidaa waxa yiri taliye Philip Tuimur.
Xubno ka mida ciidamada Booliska oo ka gaabsaday in magacyadooda la shaaciyo ayaa sheegay in weerarka ay geysteen dad la socday gaari xawli ku socday.
Waxaana la aaminsan yahay in ay ka danbeeyeen taageereyaasha kooxda dagaalka kula jirta ciidamada Kiinya ee Al Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee weerarkani waa kii ugu danbeeyay ee noociisa ah ee ka dhaca xerada qaxootiga dunida ugu weyn.
SDN-Dhadhaab
contact@somalidiasporanews.com