Qarax dad badan oo daawanayay ciyaaraha aduunka ayaa ka dhacay dalka Nigeria
Abuja June 26,2014(SDN/QJ)-Waxa qarax tiro dad ahi ku dhinteen ayaa ka dhacay goob ku taal caasimada dalka Nigeria oo lagu daawanayay ciyaaraha aduunka ee ka socda Brazil,
Nigeria ayaa guud ahaan waxa dhawrkii sano ee u danbeeyay waxa ka socday colaado diimeed oo caalamku si weyn walaac uga muujiyay.
Ma cada in qaraxa ay ka danbeeyeen kooxda Boko Xaaraam ee dooneysa in dalkaasi lagu dhaqo shareecada Islamka.
Boko Xaaraam ayaa sanadihii u danbeeyay dalka Nigeria ka waday olole ka dhan ah ciidamada dalkaas.
Qaraxan shalay ka dhacay Abuja ayaa waxa ku geeriyooday dad tiradooda lagu sheegay 21 ruux halka tiro intaa ka badana ay ku dhaawacantay.
Goobta qarraxu ka dhacay oo ah xarun ganaci ayaa waxa lagu daawanayay ciyaaraha kubedda cagta ee aduunka ee ka socda dalka Brizil.
SDN/QJ-Abuja