Qarax Ciidamada AMISOM maanta lagu la eegtay Magaalada Muqdisho
Muqdisho June 06 2013 (SDN)— Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta qarax lagula eegtay deegaanka Kaxda oo ka tirsan degmada Dharkinley ee gobolkan Banaadir.
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxu uu aha minada dhulka lagu aaso taasi oo lagu bartilmaameedsaday Ciidamada AMISOM oo waqtigaasi halkaa marayay.
Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhaawacmay saddex ruux oo shacab ah kuwaasi oo ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay.
Majiro dhimasho la xaqiijiyay oo ka dhashay qaraxaasi sidoo kalena lama soo sheegin in askarta AMISOM qaraxaasi uu khasaaro kasoo gaaray.
Ma jiro cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi sidoo kalana wax hadal ah kama soo yeerin Ciidamada AMISOM ee qaraxa lala eegto.
SDN-Muqdisho