Qarax Cabsigeliyay magaalada Jabuuti iyo sharaxaada laga bixiyay
Jabuti Mar 17,2014(SDN)-Magaalada Jabuuti ayaa maalinimadii shalay waxa laga maqlay qarax cabsi geliyay shicibka dalkaasi.
Isweydiinta shacabka ayaa aheyd malaha xaaladii siyaasadeed ee dalka ayaa meel xun gaadhay mise kooxihii xagjiriinta Soomaaliya ee dalka u dhaartay ayaa weerar soo qaaday.
Dawalada Jabuuti Ayaan wax sharaxaad ah ka bixin dhawaaqa baqdintageliyay shacbiga Jamhuuriyada Jabuuti.
Maalin ka dib ayaa Warbaahinta dawlada laga daawaday raali gelin uu bixinayo safiirka dalka Spain u fadhiya magaalada Jabuuti.
Safiirka ayaa sheegay in qarax dadka baqdinta geliyay uu ahaa mid ka dhashay qoryaha saran mid ka mida maraakiibtooda xeebta joogta.
Dawlada Jabuuti ayaad moodeysay in ay ku daawanayeen naxdinta ka dhalatay qaraxan laga maqlay degaano kala duwan oo dalka ku yaal,
Si kastaba ha ahaatee waxa arintani tusaale u tahay tayo xumada ciidamada amaanka iyo xukuumada dalka ka arimisa.
SDN-Jabuti