Qarax caawa Muqdisho ka dhacay oo dad ku dhinteen
Muqdisho February 19, 2024 (qj) -Ku dhawaad 10 qofood oo la socotay gawaarida shacabka qaada ayaa caawa ku geeriyootay qarax ka dhacay degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana ka dhashay dhimashada 9 ruux, iyadoo tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Sidoo kale, dad kale oo ka agdhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa saameeyay, iyadoo goob joogayaal ay xaqiijiyeen inuu ahaa miinada lagu aasay hareeraha wadada.
Ciidamada ammaanka iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa goobta gaaray si ay u caawiyaan dadka ku dhaawacmay qaraxa, isla markaana goobta ka daad gureeyaan dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.
Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay dadaallada lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay in ammaanka Muqdisho uu muhiim u yahay howlgallada ay ciidamada dowladda ka wadaan gobollada dalka, iyadoo weerarradii ugu dambeeyay ee dadka shacabka ah lagu dilay ay ahaayeen kuwo caqabado badan ku yimid.