|

Qarax bom oo ay haweyn ku dhawacmeen oo maanta kadhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose

Afgooye Jan 09 2013 (SDN)- Qarax ay dad rayid ah wax ku noqdeen ayaa waxaa la sheegayaa in uu ka dhacay goor dhaweyd Magaalada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Afgooye ayaa u sheegay Qurbejoog.com in qarax ay dad rayid ah ay ku dhawacmeen uu kadhacay degmadaasi kaasi oo ah bom lagu tuuray Ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi.

Inta la ogyahay 2-qof ayaa ku dhawacantay oo haweyn ah kuwaasi oo ka agdhawaa goobta bomka lagula tuuray Ciidamada dowaldda Soomaaliya oo u dhaw Suuqaxoolaha degmadaasi.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa hada ka soconaya howlgallo ay sameynayaa Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo lagu baadi goobayo dadkii ka danbeeyay bomkaasi lagu tuuray Ciidamada dowlada Soomaaliya.

Majirto cid maamulka degmadaasi ka tirsan oo ka hadashay qaraxaasi waxaana maalmihii danbe soo kordhayay falalka amni daro oo ka dhacayay Magaalada Afgooye ee goboka Sh/hoose.

SDN-Muqdisho

Comments are closed