Qarax ay ku geeriyoodeen Muwaadiiniin Turki ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Muqdisho April 14 2013 (SDN)–Qarax ay ku dhinteen muwaadiniin Turkey ah ayaa maanta markale waxa uu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Qaraxan oo ahaa mid uu fuliyay qof naftii hure ah ayaa waxa uu ka dhacay wadad isku xirta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM 4.
Qofka Nafiihuraha ahaa oo watay gaari waxyaabaha qarax laga soo buuxiyay ayaa la eegtay gaari kale oo ay saarnaayeen muwaadiniin Turki ah waxaana halkaasi ku geeriyooday 2-qof oo Turkey ah iyo haweyn Soomaali ah.
Taliyaha Ciidanka Booliska degmada Waabar ee gobolka Banaadir ayaa waxa uu u sheegay Warbaahinta in qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin ah oo fashilmay, waxaana uu intaasi ku daray in ay xaqiijin doonaan Amaanka degmada.
Majirto cid sheegatay mas’uuliyada qaraxaasi.
SDN-Muqdisho