Qarax ay dad badani ku dhinteen oo ka dhacay Magaalada Benghazi ee dalka Libya
Benghazi May 14 2013 (SDN)– In kabadan 10-ruux ayaa ku geeriyootay 30-kalana waa ay ku dhawacmeen qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacya Magaalada Benghazi ee Waqooyiga dalka Libya.
Goobjoogayaal iyo saraakiil ayaa sheegay in qaraxu uu dhacay baanaanka hore ee Isbitalka Al Jala, gaar ahaa goob la dhigto gawaarida.
Wakaalada Wararka AFP ayaa sheegtay in dad kabadan 35-ruux ay ku dhaawacmeen qaraxaasi kuwaasi oo la dhigay Isbtilaka.
Ra’iisul wasaaraha dalka Libya Ali Zidan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in Amaanka dalka uu jilicsan yaahay islamarkaana ay waajib ku tahay xoogaga Amaanka in ay Amaanka xaqiijiyaan.
Magaalada Benghazi ayaa Rabshado daris la aheyd tan iyo markii la soo afjaray xukunkii Mucamar Qadaafi oo 42-sano dalkaasi ka soo talinayay.
SDN-Benghazi