Qarax aan cidina sheegay oo mar kale ruxay Muqdisho
Muqdisho Sept 28,2012(SDN)-Waxa magaalada Muqdisho shalay gelinkii danbe ruxay qarax ka dhashay miino kuwa gacanta laga tuuro ah oo qasaare dhimasho iyo dhaawacba dhaliyay.
Qaraxan u danbeeyay oo aaney jirin cid sheegatay ayaa waxa ku dhintay haweeney halaka sadex ruux oo kalena ay dhaawacyo kala gedisan ka soo gaareen.
Sarkaal sare oo shabaabka ka tirsan ayaa sheegay in aaney kooxdoodu ka danbeyn qaraxaasi.
“Dhalinyaradu intooda badani waa ay ka soo horjeedaan dawlada Soomaaliya ee hada la dhisay”ayuu yiri sarkaalkaasi.
Askari ka tirsan Booliska ayaa isna sheegay in Haweeneydu ay geeriyootay xili lagu sii waday cusbitaalka.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii 18 ruux Muqdisho ay ugu dhinteen qaraxyo kala gedisan oo Shabaabku ay sheegteen.
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com