|

Qaran dumey….U adeege-shacab ma daba qaban karaa ?

Waxaan ku bilaabayaa bisinka eebe iyo magaca nebigeena suuban (N.N.K.H) intaas kadib. Dowlad walba oo aduunka ka dhisan waxaa udub dhexaado iyo tirar u ah shaqaale intooda badan aqoon, karti iyo tayo u leh iney fuliyaan shaqada dowladu u igmatay, wexey fulin iyo dardar gelin ku sameeyaan socodsiinta  iyo taaba gelinta dhaammaan qorshayaasha iyo siyaasadaha u deggan dowladaas , wexeyna bedelkeeda  helaan xaq iyo xuquuq ay ka mid tahay mushahar iyo taakulayn kale oo u fududeeya fulinta howlahaas loo igmaday sida gaadiidka, agab shaqo iyo wax kasta oo  gaarsiinaya iney ka guul gaaraan howshaas loo igmaday. Hadaba aan is-weydiino waa kuma shaqaale dowlo ama adeege shacab ?, Waa shaqsi la marsiiyey sharciyad iyo qawaaniinta dowladda loona wakiishay shaqo gaara waxaana lagu magacaaaba ‘u adeege shacab’ marka uu ka gudbo hababka shaqaalaynta ee dowladaas u deggan,  hadii uu buuxiyo sharciyadaasna wuxuu  yeeshaa xaq iyo xuquuq u fududaynaya taaba gelinta howlahaas qaran.

Ma jiraan Dhibaatooyinka shaqaalaha dowladda haysta ?

 

Inta badan, waxaa jira hannaan  iyo hab-raac  dowladuhu u shaqaaleeyaan shaqaalaha dowlada wexeyna intooda badani maraan sharciyadda iyo qawaaniinta ay dejisay dowladda dhexe ama hey`ado gaara oo loo wakiishay horumarinta sharciyadaas iyo qawaaniintaas. Iyadoo ay Somalia ka mid tahay dowladaha aadka u jilicsan (fashilmay) , kana mid ah dowladaha dakhli ahaan ugu hoosaya waddamada caalamka (kama hadlayo kheyraadka iyo hodonimadda wadanku dabiici ahaan u leeyahay ama fursadaha  ganacsi is-weydaarsiga ahaan loo abuuri karo) ayaa xiliyadii danbe waxaa aad usii kordhaya tirada dadka dowlada u shaqeeya iyadoo taasi jirto ayaa waxaa jira dhibaatooyin shaqaalahaas la qaadanayo soo food saara waxaana ka mid kuwaan soo socda :

  1. Shaqaalayta ka  hor: Inta badan waxaan aad u dareensanahay musuq-maasuqa aadka u baahsan ee dabeecadda u noqday qayb badan oo ka mid ah madaxda dowladda iyo qaybo badan oo bulshada ka mid ah, tan ayaa keenta iney soo wajahdo dhibaato cadaalad darro  iyo xaq –simid la`aan ah oo ay ka wada cabanayaan dadka shaqadda dowladda soo codsada, tanoo dhinaca kale keeni doonta  iney ugu damaynta soo  baxaan shaqaale dowlo oo qof jeclaysi iyo garabayn lagu keenay, ugu damayntana ay ka dhalato taya xumo iyo shaqo hufnaan la`aan dadkii shaqooyinkii dowladda loo doortay.
  2. Shaqaalaynta ka dib: Marka uu shaqaaluhu ka gudbo caqabadda qodaxda badan ee uu noqdo shaqaale (aan rasmi ahayn) wuxuu mar labaad safar dheer u galaa inuu helo sharciyadii dhamaystiri lahayd shaqaale nimadiisa  si tan loo helo waa in loo gudbiyaa shaqaalaha rayidka ah  si uu halkaas uga helo card ama warqadda aqoonsiga shaqaale nimo , inta badan tani kama caqabad yara jidkii hore ee jaahwareerku ku dheehnaa. Waqtiga howshaan qaadaneyso waa mid kala duduwan culeyskeedana leh laakiin ugu damayntii waa mid aad xaq u leedahay haddii si rasimiya lagaaga soo gudbiyey xafiiska dowlada lagaa shaqaalaysiiyey.
  3. Mushahar La`aan: Marka shaqaaluhu soo dhamaystirto shuruurdaha iyo dhammaan hannaanka shaqaalanimo wuxuu kusoo biiraa nidaam jaahwareersan oo isku dhexyaac shaqo ka muuqdo , aan shaqada lakala lahayn, ay yartahay in lakala amar qaato, aan shaqa wadaag ka jirin, tixgelin iyo  qadarintu ku gaaban tahay, tani wexey horeseeddaa jaahwareer ku yimaada shaqaalihii cusbaa  ma leh “Tub-shaqo” qofkaas u fududaysa inuu raaco si uu ugga guul gaaro ama uu u xaqiijiyo waxa ay tahay inuu qabto. Waxaa intaas la socda hannaanka kala sareynta shaqo oo si habsimi ah u diyaarsaneyn iyadoo marar badan aysan cadeyn cidda iyo madaxda aad xog la wadaagi karto. Helidda mushaharka dowladda waa mid caqabado aan dhammaan leh, inta badan sanadihii danbe dowladu wexey bilowda iney mushahar siiso shaqaalaha dowladda (qaybtood) oo ay ka taageeraan hey`ado ajnebi ah oo mar walba ay dhici karto  in la waayo ama dib u dhac ku dhaco halkaasna uu shaqaaluhu ku waayo xuquuq badan oo joogta ah oo mushaharkaas ka mid yahay ama aysan jirin gunno lagu kabo tanina wexey horseeddaa habacsanaan iyo caga-jiid ku yimaada shaqada, sidoo kale waxaajira in shaqaalaha qaarkood ay marar u kala qaybsamaan qaybo ama kooxo ku salaysan hannaan beeleed  halkaasna ay ku dhunto hufnaantii shaqo iyo qalbi xaaridii ka dhexeysay bahda shaqo wadaaga ah.

Sidee loo noolayn karaa  “u adeege shacab” ?

 

 Shaqaalaha  iyo shaqada wanaagsan waa kuwa xoog iyo cudud u ah hannaan-socodka shaqada iyo ka guul gaaridda howlaha dowlada u yaal, tanina wexey u baahantahay in la hirgeliyo hannaan  fududeeya shaqada iyo wada shaqeynta ka dhex jirta xafiisyada dowladda iyo hey`adaheedaba , iyadoo la hirgelinayo siyaasadda shaqaalaha dowladda lana marinayo sharciyada ay ku taabba geli karto  iyo sidoo kale in la dejiyo hannaanka joogteynta mushaharaadka ama gunooyinka lagu kabayo shaqaalaha si ay u  xaqiijiyaan  howlihii loo igmaday , sidoo kale taba barida iyo tayeynta shaqaalaha waa udub dhexaad aad muhiim  ugu ah taabba gelinta shaqada dowladda , waxa kale ee aadka muhiimka u ah inuu jiro daba-gal iyo la xisaabtan shaqaalaha kaddib marka loo dhamaystiro ama laga qanciyo dareenka nololeed  ama baahiya gaarka ah ee shaqaaluhu leeyahay , la xisaabtanka iyo daba galka shaqaalaha wuxuu horseedaya hufnaan shaqo iyo dhamaystir  howlaha quban (dhiman) ugu damayntiina ay soo baxdo wax la mahadiyo.

Halkaan waxaan kusoo koobayaa tallooyin iyo waxyaabo aan xal u arko.

  1. In dowladda dhexe ay dejiso/meel mariso siyaasad cad oo hageysa shaqaalaha dowladda iyo hey`adaha kale ee ay wada shaqeynta leeyihiin ama ay dib u soo noolayso siyaasadii shaqaalaha rayidka ee dowladii hore dejisey kuna dhaqanto ilaa inta laga casriyaynayo.
  2. In wasaarada shaqada iyo shaqaalaha soo noolayso habkii shaqaalaha dowlada loogu tababari lahaa sharciyada iyo hannaanka kala dameysta.
  3. In guddiga shaqaalaha rayidka aysan ku  ekaan samaynta aqoonsiga iyo sameynta cards ka ee ay dardargeliso sharciyada xaq-siinta shaqaalaha iyo hagida shaqaalaha.
  4. In marka xafiiska dowladeed shaqaale qaadanayo uu tixgelin iyo mudnaan siiyo aqoonta, khibrada iyo xirfadda uu u leeyahay shaqada loo qaadanayo.
  5. In la helo wacyi gelin iyo kulamo lagu dhiirri gelinayo shaqaalaha dowlada iyo in la xoojiyo la xisaabtanka iyo daba galka shaqaalaha iyo howlaha ay fuliyeen.

Gunaanad.

Dalkeena hooyo wuxuu marayaa marxaladihii ugu adkaa ee dowlado maraan , waxaa ku hareeraysan dhaqaale xumi iyo sharciyad la`aan  waxaana ragaadiyey musuqmaasuq gaamurey iyo qof jeclaysi laab lakac ku salaysan, tani wexey horseedday xaalad la abuuray oo waddanka qalalaaso iyo xaalad ku abuurays iyadoo lagu salaynayo dano gaara, lakin dhanka kale  dowladdeenu wexey heli kartaa shaqaale karti iyo aqoonba leh awoodana  iney kawada guul gaaraan howlaha loo igmaday hadii la helo maamul wanaag iyo shaqo hufnaan leh oo dowladda dhexe hoggaamiso, waxaan ku raja weynahay inaan dalkeena u shaqeyno, dadkeenana u wada adeegno.

“Awooddeenu…waa midnimadeena, horumarkeenuna waa wax wada qabsigeena “

 

C/casiis  Shire Ismail (Bandiirad).

Bandiirad16@hotmail.com

+252616318818

Muqdisho , Somalia

 

Comments are closed