Qaramda Midoobay oo Sheegtay inuu Cudurka Dabayshu Faro baas ku hayo Soomaaliya
Nairobi:17Aug-2013-(SDN)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in cudurka dabeysha uu ka dillaaco dalka Soomaaliya maalmo kaddib markii ay hay’adda MSF ku dhawaaqday inay ka baxayso Soomaaliya sababo la xidhiidha xagga amaanka.
Ugu yaraan 105-kiis oo cudurka dabeysha ah ayaa laga diiwangeliyay sanadkan Somaaliya, taasoo u dhiganta kala badh kiisaskii cudurka ee lagu arkay caalamka oo dhan sanadkii 2012-kii.
Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa isku dayaysa in ay caalamka ka cidhib-tirto cudurka dabeysha, balse waxa uu cudurku u muuqdaa mid ku sii badanaya Soomaaliya.
Inta badan kiisaska cudurka dabeysha ee dalka Soomaaliya waxaa lagu arkay deegaannada ay ku sugan tahay Al-Shabaabm, maadaama ay Goobahaasi yihiin goobo ka caagan Hay’daha cudurada tallaala.
Cudurka waxaa hadda la sheegayaa in uu ka jiro saddex dal oo kale oo kala ah Afghanistan, Nigeria iyo Pakistan.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday lix sano ka hor in inaanu ka jirin cudurka dabeysha, iyadoo afar milyan oo qof laga tallaalay cudurka.
Ilaa iyo hadda si fiican looma garanayo sababta keentay inuu xanuunkani si xawli ah ugu faafo soomaaliya, waxase loo malaynayaa inay xaaladaha colaadeed iyo kuwa nafaqo darro qayb weyn ka qaadeen faafitaanka cudurkan.
Contact@somalidiasporanewsc.om