Qaramada Midoobey:Burcad badeeda Soomaalida oo aan markab Afduubin iyo tirada Burcada ee xabsiyada caalamka ku jirta
New York May 04 2013(SDN)-Guddi Qaramada Midoobey ay u saartay ladagaalanka Burcad badeeda Soomaalida ayaa sheegay in Markab Soomaaliya laga afduubo ay ugu danbeysay Bishii May 12keedii ee Sanadkii 2012kii.
Burcada Soomaalida ayaa sanadii2009kii waxa ay afduubteen 46,2010kiina waxa ay afduubteen 47,balse sanadii 2011kii waxa ay afduubteen 25 markab oo qura.
Sida Muuqatana waxa hakad geliyay afduubka maraakiibta ciidamada hawlgalada ka wada baddaha Soomaalida iyo ilaalada maraakiibtu kireysato.
Sanadii ina dhaaftay Burcada Soomaalida waxa ay qaadeen ilaa 75 weerar waxa ay ku guul dareysteen in ay afduubtaan markab qura.
Burcad badeeda Soomaalida ayaan sidii hore u soo jiidan dhalin aduun doon ah ka dib kolkii in badan oo ka mida Xabsiyada Caalamka la dhigay.
Burcadeed Soomaali ah oo tiradooda lagu sheegay 1,140 ayaa haatan ku jira xabsiyada 21 wadan oo caalmka ku yaal.
Burcad badeed kale oo fara badana waxa ay ku jiraan xabsiyada degaanada Soomaalida ka dib kolkii maamulada lagu wareejiyay.
Donna Leigh Hopkins oo ah madaxa gudida Qaramada Midoobey ay u saartay la dagaalanka Burcada ayaa sheegtay in aanu weli qamaan la dagaalanka Burcada Soomaalida.
Sidoo kalena ay jiraan burcad badeed Soomaali ah oo ilaa iyo maanta baadi goobaya maraakiib ay afduubaan.
Burcad badeeda Soomaalida ayaa hadal heyntoodu hoos u dhacday bilihii u danbeeyay ka dib kolkii ay ku guul dareysteen weerarada isdab jooga ah ee ay qaadaayeen ilaa 2012kii.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com