|

Qaramada Midoobey oo Soomaaliya ugu baaqday in ay dhaqan geliso xeerarka xuquuqda aadanaha

Geneva Dec 27,2013(SDN)-Qaramada Midoobey ayaa dawlada Soomaaliya ka dalbatay in ay dhaqan geliso xeerka xuquuqda aadanaha ee xukuumada Soomaaliya ay ansixisay bishii August ee ina dhaaftay.

Sidaa waxa sheegay khabiirka madax bananaan ee QM u xil saartay xuquuqda aadanaha Shamsul Bari.

“Dhabaha Xuquuqda aadanaha waxa uu qeexayaa masuuliyada dawlada,sidoo kalena waxa ay mudeyneysaa horumar la gaaro mudo kooban,Dhaqan gelinta xeerarkuna waxa ay muujin kareysaa sida dawladu ay uga goan tahay in la dhawro xuquuqda aadanaha”ayuu yiri Mr Bari.

Hadalka khabiirka ayaa ku soo beegmaya ka dib kolkii baarlamaanka Soomaaliya uu ansixiyay raiisul wasaaraha cusub ee dalka Mr Cabdiweli Sheekh Axmed.

“Waxaan ugu baaqaya madaxa xukuumada iyo beesha caalamkaba in fursadan looga faaiideysto dib u dhiska Soomaaliya uune sidoo kale nidaamka sharciyeed iyo ixtiraamka xuquuqda shacabka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Mr Bari.

Dhabaha Xuquuqda aadanaha ayaa ah barnaamij uu u soo jeediyay Mr Bari dawlada Soomaaliya,waxaanu salka ku hayaa sugida xuquuqda aadanaha sidoo kalena waxa uu qeexayaa hirgelintiisa oo soconaya ilaa 2015ka.

SDN-Geneva
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed