Qaramada Midoobey oo sheegay in cudurka Daacuunku uu ka dilaacay degaano Shabaabku ka arimiyaan
Kismaayo July 13,2012(SDN)-Cudurka Daacuunka (Cholera) ayaa fara baas ku haya labada magaalo ee ku hadhay gacanta shabaabka ,sada ay xaqiijisay Ha’yada Qaramada Midoobey Caafimaadka u qaabilsan ee (WHO).
Ha’yada WHO ayaa sheegtay in “xaalada khaasatan magaalada Kismaayo ay ka walaacsan yihiin”iyada oo cudurku ay dhici karto in uu laayo dad badan dhawaan.
“Bar caafimaad oo baaritaan degdega ku sameysay 10 ruux oo xanuunsanaa ayaa waxa lix ka mida laga helay cudurka Daacuunka.
Ilaa iyo haatana waxa la baaray dad ka badan lixdan ruux oo afartan ka mida la dhigay cisbitaalo,inta laga warhayona dadka cudurku soo ritay ayaa waxa ay u badan yihiin caruur da’doodu ay ka yar tahay sideed jir.
Shabaabka ayaa weli gacanta ku haya degaano koonfurta ah oo magaalada Kismaayona ay ka mid tahay.
Kooxda Shabaab ayaan inta badan ogoleyn in Ha’yadaha gargaarku ka hawlgalaan degaanada ay ka arimiyaan waana ta walaacani uu salka ku hayo.
SDN-Kismaayo
contact@somalidiasporanews.com