Qaramada Midoobey oo Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomalaiya ku eedeeyay lunsasho $12 million oo dollar
Nairobi July 03,2013(SDN)-Guddi Gollaha amaanka ee QM u xil saaratay la socodka xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ayaa warbixin ay dhawaan daabaceen waxa ay ku sheegeen in lacago $16 million oo loogu deeqay dawlada Soomalaiya badankeed la lunsaday.
Warbixintu waxa ay si gaara farta ugu fiiqeysaa Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Soomalaiya Cabdusalaam Cumar.
Lacagahanoo ahaa deeq dawlada Soomaaliya ay siiyeen dalal dhawr ah isla markaana loo sii mariyay shirkada Pricewaterhousecoopers ayaa kolkii ay ku wareejisay Banka Soomaaliya aan la garaneyn halkeey mareen.
Guddoomiyaha Baanka ayaa dhankiisa isku difaacay in Baanku lacagaha ku shubay khasnada wasaarada Maaliyada Soomaaliya.
Guddoomiyuhu waxa kale oo uu eed loo jeediyay ku tilmaamay mid sumcad dil looga gol leeyahay isla markaana baaridu aheyd mid khaldan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in Guddoomiyaha Baanku leheyn guddi hantida la maamusha,halka gudoomiyuhu isku difaacay in aan weli guddidaa la magacaabin.
Si kastaba ha ahaatee waxa ay arintani muujineysaa musuqa ay caanka ku yihiin dawladaha Soomalaiya ee xilka isaga danbeeyay sanadihii u danbeeyay.
SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com