|

Qaramada Midoobey oo Afar Sano ka dib Raashin qeybin ka biloowday Kismaayo

Kismaayo Jan 30,2013(SDN)-Qaramada Midoobay ayaa shaacisay mudo afar sano ah ka dib oo ay magaalada Kismaayo ka jirtay xaalad colaadeed oo aan saamaxeyn in adeeg biniaadamnimo laga bixiyo ay haatan dib u biloowday in ay raashin qeybin magaalada ka sameyso.

Sidaa waxa maanta shaacisay hay’ada QM u qaabilsan cunada ee WFP oo Kismaayo ka bilowdey in ay raashin qeybin ka sameyso.

QM ayaa xaalada nabedgelyo oo ka soo reyneysa ayaa dhaamdkii sanadkii hore waxa ay Kismaanyo ka sameysay baaritaan ku wejahan xaalada macluul ee halkaa ka jirta.

Barnaamijka Cunada Aduunka ayaa warbixin ay soo saaraty baaritaanka ka dib waxa ay ku sheegtay in macluusha Kismaayo ay tahay mid aad u sareysa.

“Waxa muhiimad gaara leh in aanu mar kale ka hawlgaleyno magaalada Kismaayo Baaritaan aanu dhawaan halkaa ka sameynayna waxa noo soo baxday in baahi weyni jirto.

Baaritaanu waxa ay muujiyeen in kala bar qoysaska Kismaayo ku nooli in aaney helin kala bar raashinka ay u baahan yihiin iyo in 24% ay caruurta magaaladu macaluuli ay heyso”sidaa waxa yiri u qaabilsanaha WFP ee Soomaaliya Stefano Porretti.

Haatan WFP waxa ay magaalada Kismaayo gudaheeda ku quudisaa in ka badan 15 kun oo ruux.

Halka in ka badan 5,000 oo Haween Uur lihiiyo caruur da;adoodu ka yartahay shan jir ay kaalmo ku siiso goobo kala duwan oo isla magaalada guddaheeda ah.

Sidoo kale WFP waxa haatan ay wadaa tababarka hay’ado wadani ah oo gacan ka siiyaa fidinta adeegyada quudineed ee baahida weyn loo qabo.

SDN-Kismaayo

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed