Qaramada Midoobey iyo ururada suxuufiyiinta Soomaaliya iyo Somaliland oo wadjir u qabanaya abaal marinta Warbaahinta
Hargeysa Oct 25,2013(SDN)-Qaramada Midoobey iyo ururada suxuufiyiinta Soomaaliya (NUSOJ) iyo Somaliland (SOLJA) ayaa wada jir u qabanaya barnaamij lagu abaal marinayo Warbaahinta sanadka markii u horeysay.
Abaal marintan oo ah tii u horeysay ee noocaada ah oo ay dhinacyadani ka wada shaqeeyaan ayaa lagu eegi doonaa dhinacyada horumarka iyo Gargaarka.
Abaal marinta warbaahinta Soomaaliyeed ee 2013 ayaa ka codsatay in suxuufiyiintu u gudbiyaan warbixinadooda khuseeya Horumarka iyo Gargaarka.
Ururinta warbixinada suxuufiyiinta ayaa isku si uga bilaabatay magaalooyinka Muqdisho,Garoowe iyo Hargeysa.
Suxuufiyiinta ayaa heysta ilaa bisha November 6 deeda in ay hawshooda ku soo gudbiyaan.
Waa markii u horeysay ee ururada Saxaafada Soomaaliya iyo Somaliland ay wadajir u soo bandhigaan barnaamij noocan oo kale ah.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com