Qaramada Midoobay oo Si Kulul u Cambaaraysay Kufsigii Amisom U Geysteen Haweenayda Soomaaliyeed.
Muqdisho:19-Aug-2013-(SDN)-Ergeyga Gaarka ah ee Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Nicholas Kay, ayaa warwar ka muujiyey eedeymaha maalmahanba taagnaa ee la xidhiidha Kufsiga la sheegayo inuu ka dhacay Xero Militarti oo Ciidanka Amisom Leeyihiin
Sidoo kale waxa uu Ergaygu soo dhaweeyey go’aaanka ay qaateen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM ee ay ku sameyeeyeen guddi baadha eedeymahan aan loo dulqaadin karin.
“Waxaa muhim ah in baadhitaanku uu noqdo mid qoto dheer oo degdeg ah. Waxaan ku faraxsanahay siyaasadda Madaxweynaha Soomaaliya ee ah in aan marna loo adkeysanin kufsiga”, ayuu yidhi Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.
“Haddii uu jiro kiis ama dacwad dhab ah ee u baahan in laga jawaabo, waa in dembiilaha ama eedeysanaha maxkamad la soo taagaa oo lala xisaabtamaa iyadoo xuquuqda asaasiga ahna la ilaalinayo”, ayuu Hadalkiisa sii raaciyey Ergaygu.
Kufsiga ama dhibaatada loo geysto haweenka ee ka dhaca Soomaaliya waa mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu halista badan waana caqabadaha degdegga ah ee haysta xuquuqda aadanaha ee hortaagan Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
Waa markii ugu horraysay ee uu Ergaygu ka hadlo Kufsigii aadka looga qayliyey ee la sheegay inay geysteen Ciidanka Amisom, waxana uu hadalkiisu sii adkaysanayaa culayska ay Bulshada caalamku xukuumadda Federalka ah ku saarayso inay u illimo bixiyaan kiiskan sumcad xumada iyo ceebta ku ah Hawlaha ay Ciidanku ka wadaan soomaaliya.
Somalidiasporanews.com