|

Qaramada Midoobay oo Meel Mariyay Kordhinta Ciidamada Nabad Ilaalinta ee Africa

New York 13.Nov 2013 (SDN)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Talaadadii shalay ansixiyay in la kordhiyo tirada ciidamada howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM).

Golaha-Ammaanka-300x200In ka badan 4,000 oo ciidan ayuu Goluhu isla gartay in lagu daro tirada ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, taas oo guud ahaan tirada ciidamada AMISOM ka dhigaysa in ka badan 22,000 oo askari.

Ciidamada dheeriga ah ayaa lagu wadaa in Soomaaliya ay gaaraan sanadka soo socda ee 2014, iyada oo la filayo in ay wax ka qabtaan xaaladda ammaan ee waddanka Soomaaliya.

Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya ayaa waxa ay dagaal kula jiraan maleeshiyada Al-Shabaab iyaga oo garab siiya ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Howlgalka ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa haatan waxaa qeyb ka ah dalalka Uganda, Burundi, Sierra-leone, Jabuuti iyo Kenya.

New York SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed