|

Qaramada Midoobay oo Mas’uuliyiinta Dawlada Federaalka ku eedeeyay inay Hub ka Iibiyeen Alshabaab

Muqdisho 11.Oct 2014 (SDN/QJ)–Kooxda Qaramada MIdoobay u qaabilsan Dabagalka Hubka Somalia, ayaa Warbixin ay maanta soo saartay, waxa ay shaaca kaga qaaday tirada Hubka ee Somalia soo gashay iyo wixii deeq ahaan loo siiyey.

Hay,adani ayaa shaacisay in dawlada Somaliya hubkii loo gacangaliyay ee lasiiyay isla markiiba lagu arkay suuqa xorta ah ee Muqdisho hubka lagu iibiyo, waxana ay taasi dhalisay murugo iyo niyadjab ku timi caalamka danaynaya inay arrimaha Somalia dejiyaan.

Waxaa ay hay,adani sheegtay in saraakiisha xerada Xalane ee Muqdisho ay xadeen hubkaasi isla markaana suuqa la galiyay oo laga iibiyay Alshabaab.

Hay,adani ayaa warbixinteeda ku sheegtay in hub Itoobiya ugu deeqday dawlada Somaliya qoryaha nuuciisa layidhaahdo 56-2rifle lagu xereeyay xerada Xalane dhamaanba la faaruqsaday oo saraakiisha dawladu ka iibiyeen Alshabaab ama suuqa la dhigay oo dadwaynaha laga iibsaday.

Warbixinta oo sheegaysa in dawlada Somaliya ay hub dhan 13000 oo qori laga keenay Yemen oo dhamaa 5.5 milyan dhamaanba la xaday.

Warbxinta ayaa golaha amaanka ka fajicisay isla markaana dhakhso looga codsaday dawlada Somaliya in ay jawaab kaafiya ka bxiso tuuganimadaasi iyo musuqmaasuqaasi.

Sidoo kale waxaa warbxinta lagu sheegay in dawlada Maraykanku codsi soo gudbisay dawlada Somaliya si rasmiya looga qaadayo xayiraada hubka si ay ciidamadeeda u hubayn karto wadanka amaankiisa ula wareegi karto.

Dawlada Somaliya ayaa dhibaato ka haysataa ladagaalanka Musuqmaasuq la degay ,isla markaana waxaa sumcadeedii dilay tuuganimo iyo musuqmaasuq ragaadiyay masuuliyiinta wax laga aamino oo wax loo dhiiboba.

Muqdisho SDN/QJ

contact@qurbejoog.comHUB

 

Comments are closed