|

Qaramada Midoobay oo ka xumaatay xariga wali lagu hayo wariye Koronto

New York March 05 2013 (SDN)– Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Muun,ayaa si weyn u soo dhaweeyay amarkii Maxkamada racfaanka ee Gobolka Banaadir ay ku soo deysay haweeneydii sheegatay in la kufsaday oo maalin ka hor Maxkamada ay sii deysay.

Balse Banki muun ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wariyaha uu ku sii jiro Xabsiga oo habooneyd in la siidaayo.War uu soo saaray ayuu ku sheegay xoghaya guud ee Qaramada Midoobay in si weyn uu ula dhacay go’aanka Maxkamada racfaanka ay ku sii daysay Haweeneydii loo haystay arimaha kufsiga ee xabsiga ugu jirtay xukuumada Soomaaliya,isagoona wali ka walaacsan Xukunka kale uu ku dhacay Cabdi casiis Koronto inkastoo laga yareeyay mudada halka sano ah ee horay loogu xukumay.

Banki Moon ayaa Xukuumada Soomaaliya ugu baaqay inay hubiso eedeymaha la xariira galmada,islamarkaana ay ku sameyso baaritaano rasmi ah si kuwa ku cadaata loo horkeeno cadaalada.

Cabdi Casiis Cabi Nuur ibraahim Koronto oo 25-jir ah,ayaa 10-kii bshii January la xiray,isagoo lagu eedeynayo inuu qaaday wareysi kufsi la xariira.

Dhanka kale Mareykanka ayaa dhankiisa ka soo dhaweeyay go’aanka Maxkamada ee ku aadan siideynta Haweeneydii sheegatay inay kufsadeen askar ka tirsan Xukuumada Soomaaliya.balse waxay caqabad ku tilmaameen Go’aanka kale ee maxkamada qaadatay wariye Cabdi-Casiis.

Mareykanka ayaa tilmaamay inay raacsan yihiin fikrada ah in Wariye aan lagu xiri karin,isagoo howlihiisa shaqo gudanaya.

Sidoo kale dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in kiiska arimahan la xariira ay u baahan tahay baaritaano dheer,islamarkaana lagu deg degin.

SDN-New Yourk 

Comments are closed