Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Saxafiyiin Muqdisho Lagu Xidhxidhay
Newyork:Sep,10,2014(SDN/QJ)-Jimciyadda quruumaha ka Dhaxaysa, ayaa markii ugu horraysay ka Hadashay xadhig Magaalada Muqdisho loogu geystay Qaar ka tirsan Wariyayaasha somaliyeed ee Halkaas Ka Hawlgala.
Qaramada Midoobay waxa sidoo kale ka Hadashay Idaacado magaalada Muqdisho ku yaallay oo Dawladdu xidhay, kadib markii ay ku qaciweyday Hannaanka ay wax u baahiyaan.
Afhayeenka u hadlay Xafiiska Qaramada Midoobey ee Somaliya Steven R. oo Saxaafada kula hadlaayay Magaalada New York ee dalka Mareykanka, ayaa wax laga weydiiyay xariga Suxufiyiinta iyo Idaacadaha, wuxuuna sheegay in mar sii horeysay ay kala hadleen Dowladda Somaliya.
Afhayeenka wuxuu sheegay in Xafiiska UNSOM uu xadhiga Suxufiyiinta ka wada munaaqashoodeen Madaxda Dowladda, balse loo sheegay in baadhitaano ay ku soconeyso cidda haatan gacanta lagu hayo.
Wuxuu walaac ka muujiyay ku xadgudubka Sharciga, iyadoo Dowladda Somaliya uu ugu yeedhay inaanay cabudhin Saxaafada xorta ah ee ka jirta Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Dhanka kale wuxuu soo dhaweeyay in Hay’adda Nabad Suggida ay dib xoriyadoodu u siiso Shaqaalaha Idaacadaha Kulmiye iyo Simba, isla-markaana ay ku guuleysteen inay dib u shaqo bilaabaan.
Dowladda Somaliya waxaa xilligan u xidhan afar ka mid ah Suxufiyiinta ka hawlgasha Magaalada Muqdisho, oo uu ku jiro Milkiilaha Idaacada Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamuud.
Dowladdu waxay ka cago jiideysaa inay si rasmi ah Maxkamad u horkeento Suxufiyiintan, xilli toddobaadkii saddexaad ay 3 ka mid ah u xidhan yihiin.
SDN/QJ