|

Qaramada Midoobay oo ka hadashay Dil Qisaas ah oo Kismaayo laga fuliyay

New York Aoril 05,2014(SDN)-Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa ka hadlay Dil ay maamulka Juba ku fuliyeen Gacan ku dhiigle.

Qaramada Midoobey ayaa sheegay in ay ka yaabeen in si deg dega ah ee ruux dil lagu eedeeyay maxkamadi ugu xukuntay in isna la toogto.

 Warbixin ay Qaramada midoobey ka soo saartay dilalka toogashada ah ee Soomalaiya ayaa lagu sheegay in ilaa sanadii 2013kii in Soomaaliya dil qisaas ah lagu fuliyay in ka badan 34 ruux.

Hay’ada QM u qaabilsan xuquuqda aadanaha ayaa sheegtay in xafiiska UNSOM uu ka codsaday maamulka Juba in la hakiyo toogashada balse aan dheg loo dhigin.

“Toogashada waa in ay ka horeyso baaritaano baaxad leh sida ku xusan shuruucda caalamka”ayaa lagu yir warbixinta QM.

Marka la eego mudada u dhexeysay dilka la sheegay iyo in eedeysanaha  uu geystay iyo qisaasida ayaa waxa u dhexeeyay 9 maalmood ayay QM sheegtay.

Xafiiska QM u qaabisan Xuquuqda aadanaha OHCHR ayaa maamulada Soomaalida ka codsaday in ay gebi ahaanba hakiyaan dilalka qisaaska bacdamaa Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka QM ee sexiixay in la hakiyo qisaaska.

SDN-Geneva

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed