|

Qaramada Midoobay Oo Ka Hadashay Dhibka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Ka Aloostay Aqalka Baarlamaanka

Nairobi:Nov,16,2014(SDN/QJ)-Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay dhibaatada ka taagan Aqalka Golaha Wakiillada somaliland oo maalmihii ugu dambaysay ay hadheeyeen Khilaafka Dhinaca Madaxtooyada laga soo tahriibiyey.

kay kayWar qoraal ah oo kasoo Baxay xafiiska Wakiillka qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somalia, ayaa lagu sheegay in laga warwarsan yahay dhibaatada ka dhalan karta khilaafka Wakiillada la dhex dhigay.

Warkan oo si toos uga soo baxay xafiska Nickolas Kay, ayaa ayaa lagu sheegay in Mudanayaal xasaasad distoori ah leh la xidhxidhay, halka sidoo kale lagu xusay in mudanayaasha qaarkood uu soo gaadhay dhaawacyo kala duwani kadib iska horimaadkii shalay dhacay.

Ergeya Gaarka ah Nickolas Kay oo warbixinta lagu soo xigtay ayaa sheegay in “Somaliland ay horumar dhinaca doorashooyin dimoqraadi ah sameynaysay, gacan ka hadalkuna uu horumarkaas dib u dhigi karo.” Nickolas Kay ayaa intaas ku daray “Dhamaan dhinacyada waxaan ugu yeedhayaa in ay is xakameeyaan, hanaanka Dimqoraadiga ahna si buuxda loo ixtiraamo.”

Warkan ayaa Noqonaya jawaabtii ugu horreysay ee uu helo dhibka ka taagan Golaha Wakiilladu, waxana la filayaa inay dhawaan soo baxaan Baaqyo kale oo ka imanaya Dawladaha somaliland saaxiibka la ah, maadaama dhacdooyinkani yihiin qaar warwar ku abuuraya cidkasta oo horumarka somaliland jecel iyo waliba dawladaha deriska oo ay si gaar ah u taabanayso.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed