|

Wakiilka Uk u Qaabilsan Qaramada Midoobay Oo Ka Falceliyey Codsigii Shacabka Somaliland Doraad Ku Dalbadeen Aqoonsi Dhamaystiran

Nairobi 25.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wakiilka ingiriiska u qaabilsan qaramada midoobey Mr Mathew Rycroft ayaa wax laga waydiiyay codsi ay saxeexeen inka badan hal milyan oo muwaadiniinta Somaliland ah,kaasi oo dunida lagaga codsanayay tixgalinta xuquuqda Somaliland u leedahay aqoonsi caalami ah.
un-ukWakiilkan ingiriiska u jooga golaha amaanka iyo qaramada midoobey ayaa ka gaabsaday inuu sharaxaad ka bixiyo mawqfkooda rabitaanka shacabka ,isaga oo ka gaabsaday inay Somaliland lasii shaqayn doonin warbaahinta Inner City Press oo fadhigeedu yahay maraykanka ayaa safiirka ingiriiska waydiisay su’aal nuxurkeedu ahaa
“Golaha amaanku wuxuu shaqaynayaa wax kaste oo ku saabsan somaliya iyo weeraradii argagixiso ee puntland dhawaan ka dhacay balse maxaa kala socotaan codsiga halka milyan ee qof saxeexeen ee lagu codsanayo ictiraad?Hase ahaatee Ambassador Matthew Rycroft wuxuu si kooban ugu jawaabay su’aashii isaga sheegay in waxii u danbeeyey ee ay somaliya kala shaqeeyeen ahaa bayaan ku saabsan sida goluhu uga niyad jabsan yahay dib u dhaca doorashada somaliya,isla markaana ay Somaliland iyo somaliya-ba lasii shaqayn donaan .
“Haddan dib ugu noqdo labada arimooedd waxaany samaynay bayaan ku saabsan dib u dhaca doorashada madaxtooyada somaliya ee dhawaan go’aanku kasoo baxay,kaasi oo ay ku xusnayd sida golaha amaanku uga niyad jabsan yahay dib u dhaca doorashada.Talaabadii u danbeysay ee aan somaliya dhankeeda ka qaadnay taas ayay ahayd,laakiin qaramada midoobey iyo gole amaan ahaanba waan sii wadaynaa la shaqaynta labada dhinac”ayuu yidhi Mr Matthew Rycroft .
Golaha amaanka ayaa soo saaray 19-kii bishan bayaan ku saabsan qorshaha doorashada somaliya,kasi oo ay niyad jab kaga muujiyeen doorashada dib uga dhacday wakhtigeedii,sidoo kale ku booriyeen hirgalinta saami qaybsiga dumarka ee 30% ah. Beelaha laga tirada badan yahay iyo bulshada Banaadir.
Hase’aahee bayaan ay soo sareen golaha amaanku laguma soo hadal qaadin Somaliland.
Hadalka masuulkan ayaa imanaya iyadoo wasiirka arimah dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire madashii lagu soo bandhigayay natiijadda codsiga muwaadiniinta Somaliland saxeexday ku sheegay in caqabadaha ictiraafka hortaagan ay kamid tahay Somaliland oo Daggan,balse indhaha caalamka hayaan meelaha mushkiladuhu ka jiraan ee xalka u baahan balse ay Somaliland aanay wanaageeda u daadin doonin helista ictiraaf iyo indhaha caalamku dadwaynaha ku waydiinayso siday u taageersan yihiin qaddiyadda ictiraaf raadinta Somaliland,taasoo oo ujeedadeedu tahay sidii beesha caalamka loo hor dhigi lahaa rabitaanka bulshada Somaliland ku doonayso kamid noqoshada qaramadda dunida la ictiraafsan yahay

Dhinaca Kale Madaxweyne Siilaanyo ayaa doraad sagaal qodob kula garnaqsaday beesha Caalamka isla markaana qaybaha kala duwan ee dunida Ogaysiin ku siiyey in aanay Somaliland ahayn Maamul Goboleed meel kale looga arimiyo Muqdisho.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa Sheegay in Somaliland ay ahayd Maxmiyad Xoriyadeeda ka qaadatay Ingiriiska lana midowday Somaliyadii uu Gumaysanayay Talyaaniga si loo dhiso Jamhuuriyad Soomaliyeed hasa  yeeshee ay Judhiiba soo baxeen arrimo badan oo Mugdi geliyey Midnimadaas.

Comments are closed