|

Qaramada midoobay oo Digniin u dirtay xubno looga shakiyey inay ku Hawllan yihiin minjo-xaabinta dawladda Xasan sheikh

Addis-Ababa:31Aug-2013- (SDN) -war hoose oo ku dhaw dhaw Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsa somaliya, ayaa sheegaya in qaramada midoobay  ugu baaqday xubno soomaali ah oo ku foogan sidii ay uminjo xaabin lahaayeen xukuumadda soomaaliya inay joojiyaan arrimahaas.

Nicholas-Kay.1Wararku waxa ay intaas ku darayaan in Ergayga Nicholas Kay uu kulamo kula yeeshay magaalada Addis Asababa xubno hore Ra’iisal wasaarayaal uga ahaan jirey soomaaliya, isagoo si aad ah ugu boorriyey inay joojiyaan tallaabooyinka ay dawladda kaga soo horjeedaan.

Arrintan ayaa la bilaabay ka dib markii meesha laga saaray khilaafkii u dhexeeyey dawladda Federalka ah iyo maamulka Jubbaland, si meesha looga saaro mucaaradda raggan miisaanka ku leh soomaalida oo haatan dawladda ka soo horjeeda.

Ilaa iyo hadda wararka aanu haynaa ma ay sheegin wax ay xubnahaasi kaga jawaabeen soo jeedinta qaramada midoobay ay u sheegtay, waxase loo malaynayaa inay iyaga qudhoodu badheedhahoodu dhiibteen oo ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay hogaanka dalka kula tartamaan ragga haatan hogaanka haya.

Somalidiasporanews.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed