Qaramada Midoobay Oo Cuno-qabatayn Saartay Kooxda Boko Haram, Liiska Argagixisadana Ku Dartay
New York:May,23,2014(SDN/QJ)-Waxa ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Fadhi ay yeesheen iskugu raaceen in Cuno-qabatayn la saaro kooxda ka Dagaallanta Nigeria ee Boko Xaram.
Cunoqabateynta lagu soo rogay Boko Haram ayaa ah in lagu daray liiska ururada xidhiidhka la leh shabakadda weyn ee Al-Qaacida oo ay reer galbeedka u yaqaanaan ‘’argagixiiso’’.
Sidoo kale Goluhu waxay isku raaceen in laga hortago meelaha uu hubka uga soo xaroodo kooxdaas, maadaama ay Muujiyeen awood lama filaan ah oo ku laynayaan Kumanaad dad ah oo aan waxba galabsan.
Dagaal-yahanada kooxda ayaa la sheegay in ay tababaro siisay kooxda al-Qaacida isla markaana kasoo dagaalameen dalka Mali.
Dowladda Nigeria ayaa soo dhoweysay talaabadan ay ku dhaqaaqeen xubnaha golaha amaanka, waxaana lagu tilmaamay mid ka caawin doonta Xukuumadda Nigeria dagaalka ay kula jirto Ururka.
Boko Haram – oo macnihiisu yahay ‘’ Waxbarashada reer galbeedka waa mamnuuc’’ waxaa mudo laga joogo bil iyo dheeraad afduubteen inka badan 200 gabdhood, waxaana si weyn loo dhaleeceeyay dowladda Nigeria sida ay uga gaabisay in ay talaabooyin lagu soo furanayo gabdhaha u qaado.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com