Qaramada Midoobay oo Cod Dheer kaga Digtay Macluul tii ugu darnayd oo Somalia soo foodsaaraysa
Nairobi 15.June 2014 (SDN/QJ)- Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay in ay ka dhacdo macluul la mid ah tii ka dhacday sanadkii 2011-kii.
Isku duwaha arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Philippe Lazzarini oo maanta shir jara’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 2 Milyan oo qof oo ku nool gobolada koonfurta iyo bartamaha ay saameyn ku yeelan karto macluul ka dhacda Soomaaliya.
Philippe Lazzarini, ayaa deeq bixiyaasha ka dalbaday lacag gaareysa 60 Milyan oo doolarka Maraykanka in ay si deg degga u helaan.
Isku duwaha arrimaha bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in xilligan ay jiraan dad tiradoodu gaareyso sagaal boqol oo kun oo qof oo ay ku jiraan laba boqol oo kun oo caruur ah oo da’doodu ay ka hooseyso shan sano u baahan gargaar deg deg ah oo bani’aadanimo.
Qaramada Midoobay ayaa hore uga digtay macluul ka dhacda Soomaaliya.
Nairobi SDN/QJ
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com