Qaraarka Xalka looga dhigay Khilaafkii Cakirnaa ee Wakiilada,Oo Ku Soo dhamaaday Qodobo labada Dhinacba dani ugu Jirto {DHAGAYSO}
Hargaysa 19.Feb 2014 (SDN)- Fadhi Xiligiisii ka soo Hor maray ayaa maanta ergadii Guurtida ee Isu Xilqaantay Soo Afjarida Murankii Golaha Wakiilada kaga dhawaaqay Xarunta Golahaasi.
Xaaji Cabdi Xuseen “C.waraabe” oo Fadhigaasi Hadal dheer ka soo Jeediyay ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada hoga Tusaaleeyay Xilka dal iyo dadba taabanaya ee ay u hayaan Somaliland, Waxa uu Xaaji Cabdi Xuseen Sheegay in Go’aanka ay Gudi ahaan Soo Saareen Cida ku Guulaysataa ay Noqonayso Cidii Tanaasul samaysa ee Qaraarkooda ajiibta.
Markaas kadib Waxaa Mikirifoonka la Wareegay Ku Simaha Gudoomiyaha Golaha Guurtida ahna Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali Waxaanu Xildhibaanada Golaha Wakiilada ka hor akhriyay Nuxurka Go’aanka ay ku soo afjareen Khilaafkii ka dhex taagnaa Mudanayaasha Golaha Wakiilada kaas oo uu ku sheegay in Tirada lagu ridi karo Xubnaha Shirgudoonka oo ka Kooban Gudoomiyaha iyo labadiisa ku Xigeen ay ka dhigeen 42 Cod Midkiiba, Sidoo kale Waxa uu ku Cadeeyay Qaraarka dhex dhexaadineed inaan la keeni Karin Golaha Mooshin ku saabsan Xil ka qaadis lagu sameeyo Xubnaha Shirgudoonka Mudada ka hadhay Xilkooda,hadii aanay ka Hor Iman Xeer hoosaadkooda.
Guji Halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso Madashii Maanta ee Wakiilada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Go’aankiiGuurtida19.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com