|

“Qanjidhada iyo sambabada bisaaska xataa uma tuurayaane.Kuwani(xukuumaddu) innagaabay Ina Cuni Doonaan.” Muj. Cali Gurey

Hargeisa:Oct,03,2014(SDN/QJ)-Cali Maxamed Yuusuf(cali-gurey) oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Ucid, ayaa walaac ka muujiyey shirkadda la sheegay inay ku Guulaysatay Arrinta Diiwaangelinta Madaniga ah iyo waliba  ciidanka la sheegayo in loo unki doono ilaalinta arrimaha Shidaalka.

cali gureyMujaahid cali-gurey ayaa war  qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay Boggiisa Face-book-ga, waxa uu ku sheegay in Diiwaangelinta iyo Ciidaankaasiba noqon doonaan laba arrimood oo fashilma mustaqbalka dhaw.

Qoraalka Mujaahidku soo dhigay Xalay Boggiisa Face-book-gga ayaa sidan u dhignaa:

“Shirkad guulaystay ma jirto. Tii guulaystay waxay ahayd tii ugu caansanayd dunida laakiin musuq maasuqu halka uu gaadhay waa kii wax uu sheego garan waayay. Shirkad shidaal oo ku aamini doonta ciidan kuwani ay tabobaraanna ma jirto ugu dambaysta sida RRU-da  uun baa shacbiga loo adeegsan doonaaye waydun arki ee iska suga.” ayuu yidhi Muj Cali Guray.

Mar uu ka hadlayay diiwaan-gelinta ay xukuumadu wado waxa uu yidhi Muj Cali Guray,

“Mashruuc ahaana kan iyo ka diiwaangelinta madaniga ah ee arkaysaanba way fashili doonaan waayo marka horeba wax aan lacag urursi iyo eex iyo qaraabo kiil ahayn kuma dhisna waxoodu. Doorashadiina waxa ka hadhsan sideed bilood oy doonayaa inay gunta soo taabtaan wixii meelahaa ku sii hadhsanaa ilayn waynu naqaan oo wax hambeeya iyo wax ka taga midna ma yaqaanaa ilaa qanjidhada iyo sambabada bisaaska xataa uma tuurayaane.KUWANI INAGAABAY INA CUNI.” ayuu Muj Cali Guray ku soo gabagabeeyay qoraalkiisan kooban.”

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed