|

Qandaraasyo Somalia Hore Ula Gashay Shirkado Shisheeye Oo La Joojinayo

Muqdisho:Sep,19,2014(SDN/QJ)-Wararka laga Helayo aqalka Madaxtooyada somalia, ayaa sheegaya in Dawladda Federal-ka ahi go’aansatay in la joojiyo Qandaraasyo tiro badan oo ay hore ula gashay shirkado shisheeye oo u badan kuwo shidaa Baadhis iyo sahamineed.

daamaTallaabadan ayaa la sheegayaa in  la qaaday kadib markii la ogaaday in wax isdabamarin iyo musuqmaasuq badani ku lamaan yahay hannaanka shirkadahani heshiiska loola galay oo ah mid aan qaranka dan badani ugu jirin.

Shirkadaha Miiska lasoo saaray in Heshiisyada lala galay la Laalo, ayaa waxa ka ka mid ah Shulman Roggers oo iyadu ah Looyarka loo igmaday in ay soo celiso hanti Soomaaliya uga xayirneyd meelo kala duwan oo caalamka ka mid ah.

Go’aankani ayaa waxaa la gaadhay kadib markii uu sidaasi ku taliyey guddi isku dhaf ah oo arrimaha maaliyadda qaabilsan oo ay xubno ka yihiin beesha caalamka iyo dowladda federaalka saraakiil ka mid ah.

Waxyaabaha gudigani uu ogaaday waxaa ka mid ah in dhamaan qandaraasyadu aanay ahayn kuwa hufnaan iyo caddaalad lagu saxeexay, isla-markaana ay jiraan waxyaabo badan oo isdaba marin lagu sameeyey.

Tusaale ahaa shirkadda Shulman Roggers ayaa dowladda Soomaaliya ka qaadatay lacag dhan $2.7 malyuun oo doolar, taasi oo ay ka jaratay lacag dhan Hal malyuun oo doolar oo ay kasoo celisey meelo ay ku xayirneyd. Markaasi waxay ka dhigantahay in boqolkiiba sodon ay lacagtii qaadatay shirkadda Shulman Roggers.

 

Ninka madaxda ka ah shirkadani oo lagu magacaabo Jeremy Shulman ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay la kulmey madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Maaliyadda Xusseen Cabdi Xalane, iyada oo laga wada hadlay sidii loo joojin lahaa qandaraaskii hore loola saxiixday shirkadda ama wax looga badali lahaa shuruudihii lagu saxiixay.

Sidoo kale shirkadda Soma Oil and Gas oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayna leeyihiin nin hore wasiir uga soo noqdey Ingiriiska iyo mid taajir ah oo Ruushka u dhashay ayaa iyaduna wax laga badali rabaa waxyaabihii lagu heshiiyey.

Shirkadani ayaa lagula heshiiyey in ay samayso xog uruurin ku saabsan shidaalka ku jira badda, kadibna hadhoow ay shirkadani xaq u leedahay ay iyadu qodan karto ceelasha shidaalka kuwooda ugu nacfiga badan.

Shirkadda Favori ee garoonka Aadan Cadde dhiseysa ayaa ka mid ah kuwa dib u eegis lagu samaynayo qandaraaska lala saxeexday.

Shirkadaha heshiisyadooda wax laga Beddelayo ama Dib loo eegayo, ayaa waxa tiradooda lagu sheegay ilaa Siddeed shirkadood oo dhamaantood ku Hawllan Somalia Gudaheeda, waxana la filayaa in dhawaan tallaabooyinkaas la qaado.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed