Qalalaasihii Suuriya oo caasimada la isla soo galay
Dimishiq Mar 2012(SDN)-Magaalada Dimishiq ee xarunta u ah wadanka Suuriya wax aka dhacay iska horimaadkii ugu adkaa ee dhex mara xoogaga ciidamda xorta ah ee Suuriya iyo kuwa u daacadda ah madaxweyne Bashaar Al-asad.
Dagaalada oo qarxay saaka waabarigii ayaa socday muddo saddex saacadood ah, waxaana lagu tilmaamay kuwii ugu xumaa ee soo mara xarunta waddankaasi muddadii sannadka ahayd ee uu dalkaasi ka socday kacdoonka isbedle doonka ah ee looga soo horjeedo xukunka madaxweyne Asad.
Xudunta dagaalkaasi ayaa ahayd degmada Al-mezze halkaasi oo ay ku yaalaan dhismayaal dhawr ah oo ay leeyihiin xoogaga amaanka.
Television-ka xukuumadda ayaa sheegay saddex ruux oo uu ku tilmamaay argagixiso iyo tiro ciidamdo dawladda ahi inay ku dhinteen dagaalkaasi.
Geesta kale, koox khubaro ah oo ka kooban 5 ruux, ayaa gaadhay magaalada Oimishiq , kuwasi oo uu diray ergeyga qaramada midowbday iyo jaamacadda carabta u qaabilsan arrimaha wadanka Suuriya, kooxdan khubarada ah ayay kala hadli doona saraakiisha Suuriya xabad joojin sidii loo gaadhi lahaa qorshe kormeer.
SDN-Dimishiq